Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta soo
xiray shirkii ergada Ansixinta Dastuurku ay ku yeesheen magaalada Muqdisho
maalin kaddib markii ay ergadu ansixiyeen Dastuurka cusub ee waddanka
Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadal ka
jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dad badan ay isku dayeen in ay hor
istaagaan dastuurka hase yeeshee laga guuleystay. Isagoo sheegay in Dastuurkaan
uu yahay midkii ugu wanaagsanaa dhinaca diinta Islaamka ee abid loo sameeyo
waddanka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo
R/wasaaraba waddanka C/wali Maxamed Cali oo ayaguna ka hadlay kulanka ayaa
shacabka ugu hambalyeeyay Dastuurka ay anxiyeen ergada Soomaaliyeed, waxayna
tilmaameen in tallaabadani ay xaqiijineyso in Soomaaliya ay ka gudubtay
dhibaatadii muddada dheer heysatay.
Munaasabadda Xirirtaanka ayuu madaxweynuhu ka jeediyay khudbad dheer oo uu
uga hadlay Dastuurka dalka, horumarka siyaasadda iyo ammaanka, isagoo sheegay in
salka loo dhigay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana laga baxay Fowdo iyo
dhibaato muddo dheer ay ku jireen shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhammaan dadkii iyo hay’adihii kaalinta ku
lahaa hirgalinta howsha Dastuurka, oo ay ku jiraan Odayaasha dhaqanka, Ergada
Ansixinta Dastuurka, Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka, guddiga khubaarada iyo
dhammaan guddiyadii farsamo ee howsha wax ka soo qabtay. Sidoo kale maxadweynuhu
wuxuu xusay kaalintii ay Saxiixayaasha Roadmap-ku ku lahaayeen hirgalinta
qodobbada looga gudbayo KMG oo uu Dastuurku ka mid yahay.
“Maanta waa maalin taariikhi ah waana maalin aan salka u dhignay dowladnimo”
ayuu yiri madaxweynaha oo ku dheeraaday waaya aragnimada uu u leeyahay
hoggaaminta dowlad KMG ah iyo Dastuurka ahmiyadda uu u leeyahay nolosha dadka,
wuxuuna tilmaamay hadduusan dastuur jirin inaysan dowladi jirin. “Inaan qorono
Dastuur fiican waa muhiim waxaase ka sii fiican inaan ku dhaqanno” ayuu sii
raaciyay.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in Dastuurka cusub ay caalamku u
sheegeen in ay ku bixiyeen 50 Milyan oo Doolar, Dowladda iyo guddiga madaxa
bannaan ee Dastuurkuna aysan ka warheynin, taasna wuxuu sabab uga dhigay KMG, oo
caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliyeed.
Dhinaca siyaasadda ayuu ka haadlay madaxweynuhu, isagoo odayaasha dhaqanka
ugu baaqay in ay haweenka siiyaan xubnaha looga qoondeeyay Baarlamaanka, si
dhaqse ahna ay u soo xulaan xildhibaanada si looga gudbo marxaladda KMG ah.
Dhinaca ammaanka ayuu madaxweynuhu u hambalyeeyay ciidamada qalabka sida iyo
AMISOM, isagoo dallacsiiyay askarigii shalay fashiliyay weerarkii argagixisnimo
ee ay Al-Qaacidda ku qaadeen xarunta uu shirku ka socday ee Gen. Kaahiye oo lagu
magacaabo Xiddigle Cali Wakad.
“Cadowgii Soomaaliyeed waa jabeen, Shabaab iyo Al-qaacidda ayaana u
dambeeyay, mana la sii arki doono Inshaa Allaah” ayuu yiri madaxweynaha oo
tilmaamay in Soomaaliya ay diinta Islaamka soo gaartay muddo dheer ka hor aysan
aqbali karina in dambiilayaal ajaanib ah iyo wiilal aan diinta baran ay
dhiiggooda baneystaan.