Midowga Afrika oo soo dhoweeyey ansixinta dastuurka Soomaaliya


Danjire Abubakar Diara oo ah ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa asagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mr. Diara ayaa ansixinta dastuurka ku tilmaamay inay tahay tallaabo weyn oo hore loo qaaday, taasoo Soomaaliya u horseedi doonta hanashada Dowladnimo taam ah iyo soo celinta xasiloonida iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.

Danjire Abuubakar Diara oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale talo ku soo jeediyey in lasoo dedejiyo soo xulidda xubnaha ka midka noqonaya barlamaanka cusub ee Soomaaliya, si markaasi kaddib loogu gudbo doorashada afhayeenka barlamaanka iyo ku xigeennadiisa, intaas kaddibna loo gudbo doorashada Madaxweynaha si waqtigii loogu talagalay ay ugu dhammaato qorshihii Roadmap-ka.


Add New Comment