Madaxweynaha Jamhuurayadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii la socday ayaa xalay magaala-madaxda dalka Suudaan oo uu booqasho ku joogo kula kulmay madaxweynaha dalkaasi mudane Cumar Xasan Al Bashiir.
Kulanka labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Suudan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada dalka Suudaan, halkaasoo madaxweyne Al Bashiirka Suudan uu afur ugu sameeyey madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda.
Labada madaxweyne ayaa intii uu kulankoodu socday isla soo qaaday xiriirka labada dal, xaalidihii ugu dambeeyey ee ammaanka dalka Soomaaliya iyo abaaraha daran ee dalka ka jira, waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii dowladda Suudaan ay gacan uga geysan lahayd wax ka qabashada dhibaatada heysata shacabka Soomaaliyeed.