Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Wafdi ay Hogaamineyso oo u Ambabaxay Dalka Shiinaha


Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso ayaa maanta u ambabaxay dalka China.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda
shiinaha , kadib martiqaad rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay  ka heshay dowladda shiinaha.

Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa  waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mahdi Maxamuud Cali, Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska,gaadiidka badda, dekadaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa u qorsheysan inay la kulanto Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda shiinahaoo ay kala hadli doonto qaabkii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wadaagga ah ee labada dal ka dhaxeeya .

Dowladaha Soomaaliya iyo shiinaha ayaa xiriirkooda bilowday muddo hadda laga joogo 500 sano , waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo xoogan , iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay la macaamilaan ganacsatada wadankaasi .

Waxaa xusid mudan in dowladda shiinaha ay Soomaaliya ka fulisay qaran burburkii kahor  mashaariic lagu dhisay wadooyin, garoomaha cayaaraha iyo isbitaalo .

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay horumarineysaa, ayna xoojineysaa xiriirka ganacsi iyo midka iskaashi ee kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xi Jinping (Shii Jiin Biing) iyo Xukuumadiisa , si loo hirgeliyo mashaariicda horumarinta iyo maalgeshiga , lana suura-geliyo in shirkadaha shiinaha ay maalgeshi toos
ah ay ku sameeyaan dalka Soomaaliya .


Add New Comment