TACSI - Geerida Marxuum Sheekh Muxumad Axmed Sadiiq (Gandi)


inaalilaahi[1][1].jpg'

Allaah ha u naxariistee waxaa caawa fiidkii magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Muxumad Axmed Sadiiq (Sheekh Gandi) oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida aadka u weyn uga soo qaybqaadatay  fidinta diinta Islaamka ee gobollada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Maraxuum Sheekh Muxumad Gandi ayaa ifka kaga tagay caruur fara badan oo isugu jirta wuxuu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen, waxaana geeridiisaasi naxdinta leh loogaga tacsiiyeynayaa xaasaskiisa, carruurtiisa, walaalihiis gaar ahaan nabadoon Yuusuf Axmed Sadiiq iyo Khaliif Maxamuud Maxamed Sadiiq iyo guud ahaan reer Sadiiq Xaayow.

Marxuumka ayaa waxa Allaah loogaga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, intii uu ka tagay oo ehel iyo asxaab ahna uu sabar iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaa geerida Sheekha la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo asxaabtiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

Add New Comment