Madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdgii uu hoggaaminayey ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga kaga soo qaybgaleen shir Ururka Dalalka Islaamka (OIC) ay deeq ugu ururinayeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu socday shirka halkaasi ka jeediyey qudbad dheer oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka ka jira waddankiisa ee ay sababeen colaadaha iyo abaaraha, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu shirar gaar ah la yeeshay madaxda waddanka Turkiga oo ayagu lahaa abaabulka shirka.
Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa ku weheliyey wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey madax ka tirsan golaha Barlamaanka, golaha xukuumadda, saraakiil ka kala tirsan qaybaha ciidamada qalabka sida iyo mas'uuliyiin kale.