Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay in madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza laga soo xigtay in dalkiisu uu Soomaaliya u dirayo ciidamo dheeraad ah oo qayb ka noqon doona ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kaga sugan magaalada Muqdisho.
Hadalkan laga soo weriyey madaxweynaha dalka Burundi ayaa yimid kaddib markii maalnimadii shalay uu magaalada Bujumbura ee caasimadda dalkaasi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho gaaban halkaasi ku gaaray.
Dalka Burundi ayaa waxa haatan magaalada Muqdisho kaga sugan dhowr kun oo ciidamadooda ka tirsan, kuwaasoo qayb ka ah ciidamada AMISOM ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya gacanta ka siiya dagaallada ay kula jirto xoogagga Xarakatul Shabaab.
Ciidamada Afrikaanka ah ee lagu soo daadgureynayo Soomaaliya ayaa waxa sabab u ah codsi ay horey u soo jeediyeen taliska sare ee ciidamada AMISOM oo ay ku dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 3000 oo askari si loo ballaariyo howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay dhowaan isku fidiyeen goobo ay ka baxeen dagaalyahannadii Al Shabaab.