Madaxweynaha Jabuutii oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, ayadoo ujeeddada booqashadiisuna lagu micneeyey inuu indhihiisa ku soo arko xaaladda amaan iyo midda barakacayaasha abaaraha.
 
Madaxweyne Geelle ayaa markii uu ka soo degay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa si diirran ugu soo dhoweeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda Soomaaliya.

Booqashada mudane Geelle ayaa waxa la mid tahay booqasho dhowaan la filaayo inuu magaalada Muqdisho ku yimaado ra'iisul-wasaaraha dalka Turkiga mudane Rejab Tayyip Erdogan, taasoo loola jeedo sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda ba'an ee colaadda iyo abaaruhu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa isla markii uu ka soo degay Muqdisho booqday xeryaha ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed ee kusoo barakacay abaaraha ba'an ee ka jira gobollada, asagoona si weyn ugu kuurgalaya nolol xumada ka jirta xeryahaasi.

Madaxweyne Geelle waxa uu shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ugu deeqay boqolaal ton oo isugu jira raashin iyo dawo dalkiisu ugu talagalay inuu kaga qaybqaato gurmadka caalamiga ah ee loo fidinayo walaalahooda Soomaaliyeed.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay sugayaan amaanka guud ahaan magaalada, gaar ahaan goobaha uu booqanayo madaxweynaha Jabuuti iyo waddooyinka waaweyn ee isku xira garoonka dayaaradaha iyo magaalada inteeda kale.

Wufuudda ka kala imanaya caalamka ayaa maalmihii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho, taasoo sababteeduna ay tahay amaanka magaalada oo kasoo roonaadey sidii uu ahaan jiray, kaddib markii Xarakatul Shabaab ay isaga baxday goobo badan oo ay magaalada ka maamuli jirtay, goobahaas oo haatan dhammaantood kusoo noqday gacanta ciidamada Dowladda.


Add New Comment