Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu
hogaaminayey ayaa xalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib booqasho hal maalin oo ay maalinimadii shalay ku tageen magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi.
Wafdiga la socday madaxweynaha ayaa waxa oo ka mid ahaa wasiirka Arimaha Dibedda, Wasiirka Ganacsiga, xildhibaano ka
tirsan Baarlmaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uu joogay magaalada Bujanbuura ee Dalka Burundi la kulmay madaxweynaha dalkaasi Mr. Pierre Nkurunziza oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal iyo xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya.