Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu
soo laabtay kaddib markii uu ka soo qeyb galay shirka waddamada Islaamka oo ka
dhacay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Dadweyne badan oo sita calanka dalka iyo sawirka madaxweynaha ayaa isugu soo
baxay waddada Maka Al-Mukarrama kuwaas oo soo dhaweynayay madaxweynaha, sidoo
kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Xuseen
Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir
Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan
sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo
shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa socod lug ah ku soo maray waddada Maka
Al-Mukarrama oo uu ku gacan qaaday dadweyne hareeraha waddada isugu soo baxay,
kuwaas oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay madxweynaha ku taageerayeen.
Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku
sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka
Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in la
isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo,
wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada
Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay
cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la
sheegay in loo jeediyay.
“Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa
weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax
walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in
guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda.
Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka
qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci
ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha,
marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo
kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay
R/wasaaruhu.
“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha
gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen
inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa
la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku
leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri .
“ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax
noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo
saari karto”.