Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u duulay dalka Burundi


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ayagoo ku sii jeeda magaala-madaxda dalka Burundi ee Bujumbura oo ay wadahadallo kula soo yeelan doonaan madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa inta uu joogo dalka Burundi waxa uu kula kulmi doonaa madaxweynaha dalkaasi, kaasoo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo isbedelka ku yimid xaaladda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay dalka Burundi ka joogaan dhowr kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa safarkiisan ku weheliya xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan).

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhiggiisa dalka Burundi uga mahadceliyo kaalinta ay ciidamada dalkiisu ka qaateen howlgallada magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxa la filayaa inuu Sheekh Shariif uu Burundi ka dalbado inay Soomaaliya u soo diraan ciidamo dheeraad ah.

Burundi ayaa ah dalka keliya ee Uganda ku weheliya howlgallada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo gacan ku siiya ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan xoogagga Xarakatul Shabaab.


Add New Comment