Dr. Cabdiqaasim Salaad oo soo dhoweeyey ka bixitaanka Shabaab ee Muqdisho


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa soo dhoweeyay ka bixitaankii Xarakatul Shabaab ay isaga baxeen Magaalada Muqdisho, hase ahaatee wuxuu sheegay in tallaabadaasi loo baahnaa in mar hore ay Shabaabku qaataan.

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo haatan ku sugan magaalada Qaahira dalka Masar oo uu deggan yahay ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laysu tanaasulo, wax kastana loo baahan yahay in lagu xalliyo wada hadal iyo is afgarad si loo yareeyo dhibaatooyinka shacabka ka soo gaara dagaallada.

Madaxweynihii hore ayaa waxa uu wax ka yiri amarkii madaxweyne Sheekh Shariif ee uu qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo rogay xaalad deg deg ah, asagoona ciidamada Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inaysan dhibaateyn shacabka ku dhaqan magaalada.

Dr. Cabdiqaasim oo ugu dambeyntii ka hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu kaashadaan sidii ay ayagoo wadajira uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada iyo abaaraha ka jira dalka ayna isu gurmadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa gashay xaalad cusub kaddib markii Al Shabaab ayaa maalmo ka hor sheegeen inay isaga baxeen magaalada, taasoo keentay in dad fara badan oo isugu jira culimaa'udiin, siyaasiyiin, odayaal-dhaqameedyo iyo ururrada bulshada ay soo dhoweeyaan tallaabadaasi, waxaase maalmihii ugu dambeeyey isasa soo tarayey hadallo ka soo yeerayey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xarakada oo sheegayey inaysan ka bixin Muqdisho, balse ay wax ka beddeleen xeeladihii dagaalka oo qura.

 


Add New Comment