Ciidamada Dowladda oo magaalada Muqdisho ka wada howgallo lagu sugayo ammaanka


Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaran oo lagu baarayo gaadiidka iyo dadka ka billaabay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, howlgalladaas oo hakad ku keenay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha.

Goobaha ay sida weyn howlgalladaasi uga socdaan ayaa waxa ka mid ah waddada dheer ee Maka Al-Mukarama, ayadoo ujeeddada laga leeyahayna lagu micneeyey sugidda ammaanka degmooyinka magaalada ee ay dhex marto waddadaasi.

Ciidamada Dowladda ee howlgallada wada ayaa sida la sheegay dadka iyo gaadiidkaba ku amraya inay joogsadaan si loogaga baaro hub iyo walxaha dhibaatada u keeni kara xasilloonida  iyo amaanka dadweynaha ku dhaqan magaalada.

Howlgallada ciidamada dowladda ayaa waxa ay ku soo beegmeen maalin uun ka dib xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed  uu xaalad deg-deg ah ku soo rogay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan goobihii ay ka baxeen Al Shabaab.




Add New Comment