Galmudug State oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 7. guurada


Xaflad Balaaran oo ay Soo Qaban qaabiyeen maamulka Gobalka iyo Kan Degmada ayaa Ka dhacday xarunta Madaxtooyada Galmudug taa oo ay Ka soo Qayb galeen Masuuliyin Ka socotay Maamulka Gobalka Banaadir ee Dowlada FDka Soomaliya,Madaxda Galmudug,Saraakiisha Ciidamada,Ururada bulshada Galmudug.

Waxaa La xiray Inta Badan goobaha Ganacsiga Magaalada Galkacyo waxaana wadooyinka waaweyn tubnaa Ardada Jaamacadaha iyo Iskuulada Galmudug oo sidoo kale Socod dheer Ku soo Maray Wadooyinka magaalada,waxaa Iyaguna Gudaha Magaalada Dhoola tusk u soo bandhigay Cutubyo Ka tirsan ciidamada Daraawishta,Buliiska iyo kuwa Malatariga Galmudug oo Iyagu Gaadi ka ciyaar ku maray Afaafka hore ee Madaxtooyada Halkaa oo ay salaan Sharaf uga qaateen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Jen. Cabdi  Xasan Cawaale Qaybdiid.

Xaflada Oo ka Socotay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa Qudbado Kala Duwan ka Soo jeediyay Masuuliyintii ka socotay Dowlada Soomaliya Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qaybdiid iyo masuuliyin kale waxaa Kaloo halkaa lagu soo bandhigay Riwaayado Ka turjumaya Wadaniyada iyo Dowlad Jaceylka.

Xafaladan loogu Dabaal dagayay Sanad guuradii 7aad ee ka soo wareegtay Asaaskii Galmudug ayaa ahayd midi ugu Balaarnay ee Lagadhigo Galmudug tan iyo markii dhidibada loo taagay.

GM.jpg


Add New Comment