Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulan la
qaatay gudiga xalinta Khilaafaadka isagoona ugu baaqay in la xaliyo cabashooyin
ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.
Kulanka uu maanta la qaatay Madaxweyne Shariif gudiga xalinta Khilaafaadka
ayaa waxa uu ahaa mid uu ugu kuur galayay halka ay marayaan howlaha ay hayaan
gudigaasi.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah guddoomiyaha gudigaasi oo kulanka ka hadlay
ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso howsha laguna soo gaba gabeynayo
waqtigii loogu talagalay.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale kulanka ka
hadlay ayaa sheegay in gudiga xalinta Khilaafaadka looga baahanyahay sidii ay u
soo dadajiyaan lahaayeen liiska magacyada baarlamanka iyo guddoomiyaha.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in ay haystaan waqti yar loogana fadhiyo in
ay ku dhisaan baarlaman iyo guddoomiye si ay u doortaan Madaxweyne, waxa uuna
ugu baaqay gudiga in ay xaliyaan cabashada kaaga imaaneysa beelaha qaarkood
kuwaas oo ku aadan in faragalin lagu hayo.
Dhanka kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa
ka ambabaxay garoonka diyaaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo kusii
jeeda wadanka Sacuudi carabiya.
Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna
wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen, wasiirka arrimha gudaha
iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas
Xuseen oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Shariif ayaa faahfaahin
ka bixiyay safarkooda waxa uuna xusay in dowladda Sacuudi uu Madaxweynaha ka
helay casuumaad halkaasna ay uga qeyb galayaan shir ay yeelanayaan wadamada
Islaamka.