Xildhibaan Xaabsade oo sheegay in Al Shabaab laga saari doono gobollada dalka


Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda KMG ee Soomaaliya ay wado qorshayaal dagaal oo Xarakatul Shabaab lagaga saarayo gobollada koonfurta Soomaaliya ee weli gacantooda ku harsan.

Xildhibaan Xabsade ayaa carrabka ku adkeeyey in toddobaadyada soo socda la arki doono isbedel ku yimaada gobollada ay ka taliyaan Xarakatul Shabaab, asagoona intaas ku daray in Dowladda KMG ee Soomaaliya ay diyaarisay ciidamo dagaal ku qaado doona gobollada Al Shabaab ka taliso.

Mudane Xaabsade waxa kale oo uu intaasi raaciyey in xoogagga Al Shabaab ay haatan ku xooggan yihiin oo keliya magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo ee gobollada Hiiraan, Bay iyo Jubada Hoose kuwaasoo uu sheegay in maalmo yar gudahood weerar lagu qaadi doono si looga saaro gacanta Al Shabaab.

Xaabsade oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay in Xarakatul Shabaab aysan haatan lahayn awood sidaas u sii weyn, mar haddiiba ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, ayna lumiyeen taageeradii ay ka heli jireen shacabka qaarkii, sidaas darteedna aysan Al Shabaab sii jiri karin.

Hadalka Xildhibaan Xaabsade ayaa waxa uu caddeynayaa inuu jiro qorshe ay Dowladda KMG ku dooneyso inay sii wado dagaallada ay kula jirto Xarakatul Shabaab si ay uga saarto dhammaanba gobollada ay ka taliyaan ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayadoona uu dhowaan madaxweyne Sheekh Shariif ka dhawaajiyey inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ilaa iyo inta dalka laga saarayo.


Add New Comment