Guddoomiyaha dhowaatan ay dowladda Soomaaliya u magacowday gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore madaxda dowladda uga mahadceliyey xilka loo magacaabay, sheegayna in uu isbedel muuqda ka sameyn doono gobolka.
Cirfo ayaa sidoo kale shirkiisa ku soo hadal qaaday marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud iyo Halgankii ay Ahlu Sunna ay u soo gashay Gobolkaasi oo ku aadanaa la Dagaalanka Al Shabaab ayaa waxa uu xusay in uu dhamaan Waxgaradkka iyo Odayaal dhaqaameed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Alhlu Sunnaba uu latashi kala sameyn doono hagaajinta Maamulka Gobolkaasi isla markaana uu afkaartooda soo dhaweenayo.
Guddoomiyah cusub ee Gobolka Galgaduud ayaa xusay inay howlo badan ay horyaalaan isla markaana uu xooga saari doono horumarinta gobolka sida wax ka qabashada Adeega Bulshada.
Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa dhanka kale Gobolada kala ee dariska la ah Galgaduud waxa uu ugu baaqay inay sammeeyaan Wada tashi iyo xariir wacan iyo iskaashi .
Hadalka gudoomiyah Cusub ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa imaanayaa xili Gobolkaasi ay ku kala suganyihiin Ahlu Suinna Waljameeca iyo Al Shabaab iyo Maamulkii hore ee ka arriminjiray qeybo kamid ah Gobolkaas.