Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamanka Mahad C/lla Cawad, guddoomiyayaasha guddiyada joogatada ah ee baarlamanka iyo xildhibaano kale.
Safarka gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ugu ambabaxeen dalka Uganda ayaa ka dambeyeyay casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Baarlamanka dalka Uganda, sida uu Radio Muqdisho u sheegay C/fitaax Daahir Jeyte oo la socda wafdigaasi ahna wariye ka tirsan warbaahinta Qaranka.
Mudada uu joogo gudoomiyaha Baarlamanka dalka Uganda ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, iyadoo lagu labada dhinac ay kala saxiixandoonaan heshiis rasmi ah oo wax wada qabsi, laguna mataaneynayo Labada Baarlaman Soomaaliya iyo Uganda.