Ra'iisul-wasaaraha Turkiga oo la filayo inuu booqdo Soomaaliya
Ra'iisul-wasaaraha waddanka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdoğan ayaa asagoo ka hadlayey xaaladda abaaraha ka jira dalka Soomaaliya sheegay in asaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ay waqti dhow booqan doonaan dalka Soomaaliya si uu indhihiisa ugu soo arko dhibaatada halkaasi ka jirta.
Mr. Recep Tayyip ayaa ujeeddada socdaalka uu qorsheynayo inuu ku yimaado magaalada Muqdisho ku tilmaamay in ay tahay inuu indhaha caalamka u soo jeediyo dhibaatada ay abaaraha ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aadka u liita, waxaana socdaalkiisaas ku wehelin doona xubnaha qoyskiisa ka sodow wasiirkiisa arrimaha dibedda.
Dalka Turkiga oo ah dal muslim ah ayaa waxa uu aad u daneeyaa arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena jecel inuu wax badan ka qabto dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ay ku hayaan colaadaha iyo abaarta daba dheeraatay ee ku habsatay guud ahaan dalka, ayadoona madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu labo jeer oo hore booqday dalkaasi intii uu talada dalka hayey.
Add New Comment
|
|
|