Maamulka Puntland ayaa Muqdisho dib ugu celisay markab sidey raashin gar-gaar ah oo ka yimid hay'adda bisha cas ee Turkey. Puntland waxay sheegtay in raashinkan qaab sharci darro ah lagu soo diray isla markaana aan lagu soo hagaajin maamulka.
Gar-gaarkan oo gaaraya 10-kun oo tan oo isugu jira bariis iyo bur ayaa loo waday saddexda degmo ee Isku-Shuban, Taleex iyo Galdogob, balse maamulka ayaa sheegay raashinkan uu yahay mid "Siyaasadeysan" oo la doonayo in khal-khal lagu galiyo amniga Puntland.
Cadde Muse, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa canbaareeyay go'aanka lagu celiyay gar-gaarka isago sheegay in Puntland ay gar-gaarka u baahan tahay, isla markaana laga doonayay maamulka inay raahsinka aqbalaan dadkna u qeybiyaan.