Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta kormeer ku tagay dagmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo uu kulan kula qaatay
Odayaasha dhaqanka iyo waxgarada ku sugan dagmadaasi.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya Wasiiro ka
tirsan xukuumadda saraakiil ciidan, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka
Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Kulanka uu maanta la qaatay Madaxweynaha ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah
waxgaradii ka qeyb galay kulan iyagoo uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku
tagay Dagmada Balcad madaxweyne Shariif iyagoona u balan qaaday in ay dowladda
la shaqeynayaan.
Waxgarada ayaa sheegay in amaanka dagmada uu yahay mid wanaagsan uuna xiriir
fiican kala dhaxeeyo ciidanka dowaldda waxa ayna sheegeen in ay dhalinyaro badan
oo ka tirsanaa shabaab ay ku biiriyeen ciidanka dowladda.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay Waxgarada ku dhaqanka
dagmada Balcad ayaa waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in cadowgii laga
xoreeyay Balcad ay shacabka hal meel uga soo wada jeesteen isagoona Madaxweynaha
intaa ku daray in uu aad uga faraxsanyahay amaanka ka jira wadada isku xirta
Balcad iyo Muqdisho.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga baaqay dadka ku nool dagmada Balcad in
ay ka shaqeeyaan amaanka si loo hormariyo adeegyadda Bulshada ay u
baahanyihiin.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa carabaabay in dhowaan la howlgalin doono
warshada Dharka ee dagmada Balcad isagoona uga mahadceliyay muwaadiniintii isku
howshay in ay ilaaliyaan hantida Qaranka.
Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dadaalka
ay u galeen soo celinta nabadda iyo kala dambeynta in la abaal marin doono
dadaalka ay u galeen nabad ku soo dabaalida dalka ay colaada ka jirtay mudada ka
badan 20ka sano.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed in maanta si KMG ah
loo ansaxiyay dastuurka dalka waxa uuna tibaaxay in maanta wixii ka dambeeyo
laga baxay maraxadii kumeel gaarnimada aheyd loona gudbay dowladda rasmi ah.
Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa ka tacsiyeeyay dilkii xalay fiidkii loo
geystay Majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Jaylaani Malaaq “Marshaale”
isagoona uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo eheladiisa waxa uuna ALLE uga
baryay in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo.