Ergooyinka magaalda Muqdisho u fadhiyey ansixinta dastuur cusub oo ay yeelato Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah si ku meel gaar ah ugu ansixiyey, kaddib markii cod loo qaaday.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shirka uga dhawaaqay in 96%
(sagaashan iyo lix boqolkiiba) ay u codeeyeen dastuurka. halka ay diideen
2%(laba boqolkiiba), sidoo kale waxaa ka aamusay 2% (Laba boqolkiiba). sidaa
darteed Dastuurku waa ansax sida ay uu caddeeyay wasiirka dastuurka.
Ergada shirka joogtay wuxay tiradoodu ahayd 645 xubnood, 621 ka mid ah ayaa
ku codeeyay HAA, halka ay 13 ergo ay ku codeeyeen MAYA, sidoo kale waxaa ka
aamusay 11 xubnood.
R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali oo khudbad ka jeediyay
gabagabada kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxday KMG, wuxuu sheegay in
dalka Soomaaliya uu leeyahay dowlad iyo dastuur, ayna meesha ka baxeen
astaamihii Soomaalida loo yaqiinay ee ahaa Argagixiso iyo Burcad badeednimo.
Sidoo kale wuxuu sheegay R/wasaaruhu in Shahaaddo Sharaf la guddoonsiin doono
Ergada ansixisay Dastuurka si mustaqbalka ay dadka Soomaaliyeed u gartaan howsha
ay u qabteen.