Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa si kulul u cambaareeysay
dilkii naxdinta laha ee xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee
Jilaagii caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq ‘Marshaale’.
Wasiirka warfaaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen
Maxamed ‘Jahwyn’ oo ka hadlay dilka Marxuumka ayaa cambaareeyay kooxihii ka
dambeeyay falkaasi foolxumada leh, isagoo muujiyay sida uu uga xunyahay dilka
loo geystay marxuumkaasi, iyadoo aysan jirin cid uu dhibaato u geystay.
Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ciidamada
Ammaanku ay ku raadjoogaan gacan ku dhiiglayaashii dilay Marshaale, isagoo
rajeeyay in gacanta lagu soo dhigidoono dambiilayaashaasi sharcigana la
geyndoono.
Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay ehelada Marxuumka, Fannaaniinta iyo ummadda
Soomaaliyeed geerida Marxuunka, isagoo sheegay in ay dishay gacan ka gardaran,
wuxuuna u rajeeyay in Allaah uu ka waraabiyo Jannadii Fardoowsa intii uu ka
tageyna simir iyo iimmaan uu Alle ka siiyo.
Dhanka kale bahda saxaafadda iyo qeybaha Fannaaniinta Muqdissho ayaa wada
qabanqaabo ballaaran oo loo sameynayo Aaska Marxuumka oo la filayo in maanta uu
ka dhaco Muqdisho.
Dilka Jalaaga caanka ahaa ee Cabdi Jeylaani Malaaq oo loo yaqaannay Marshaale
ayaa qeyb ka ah dilalka ay malleeshhiyaadka Alqaacidda ku gumaadaan dadka
waxtarka leh isla markaana magaca ku dhex leh bulshada.