Banaanbax loogaga soo horjeedo weerarkii Turkiga oo maanta ka dhacay Muqdisho
Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday dhismaha ay degenaayeen Shaqaalaha Safaarada Turkiga ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Dadweynaha ka qeyb galay banaan baxa ayaa sitay calanka Turkiga iyo calanka Soomaaliya, waxaana u badnaa haween xirnaa dharka calanka Soomaaliya iyo kan hidaha iyo dhaqanka, iyadoo dadkan ay isugu soo uruureen fagaaraha daljirka dahsoon.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in weerarka Turkiga laga qaaday ujeedkiisa yahay in magaalada Muqdisho dib loogu celiyo dhibaatadii ay soo martay.
"Muqdisho inkastoo dayacaad badan ay ku jirtay markii ay Turkiga ay dhaheen waa dhiseynaa, Isbitaal kan ugu casrisan ayaa ka dhiseyna waxaa la isku dayay in la weeraro, safaaradoodii waxay ku dhiiratay in magaalada Muqdisho soo gasho, balse ujeedada ma ahan Turkiga ee waa shacabka ayuu weerarka ku socdaa, magaaladan dagaal aan qarsooneyn ayaa lagula jiraa"ayuu yiri Iimaan Nuur Iikar.
Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Deeqo C/qaadir oo ku hadlaysay afka Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in weerarkaas aanay ka niyad jebin doonin, isla markaana Turkiga uu sii wadi doonin dhismaha Muqdisho uu ka wado.
"Gurmadkii ugu horeeyay Turkiga maadaama ay inoo sameeyeen qaraxii dhacay waa ka xunahay, loomana joojinayo, Nimanka nabad diidka waxay ku soo hareen oo kaliya in Bam la tuuro iyo ind dad Suuman lagu soo xiro"ayay tiri Deeqo C/qaadir.
Maxamuud Axmed Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Turkiga uu ahaa mid siyaasadeysan, isagoo si kulul u weeraray Al-Shabaab iyo dad uus heegay inay siyaasiyiin yihiin inay ku mataanoobeen weerarka lagu haayo Muqdisho.
Banaan baxan maanta ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa imaanaya, iyadoo todobaadkii hore weerar is qarxin ah lagu qaaday xarun Turkiga ku lahaayeen Muqdisho, waxaana wali Muqdisho ka dhacayay qaraxyo iyo dilal.
Add New Comment
|
|
|