Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Nairobi


Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka ka duulay  magaalada Muqdisho ayaa gaaray si weyna loogu soo dhoweeyey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ujeeddada safarka madaxweynaha ayaa ah ka qaybgalka munaasabadda uu xilka madaxweynenimo kula wareegayo madaxweynaha dhowaantan la soo doortay ee dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyata oo ka dhaceysa magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa gegida dayaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaar ka mid ah saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray gegida dayaaradaha ee magaalada Nairobi ayaa waxa si weyn halkaasi ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi uga sii horreeyey.

Madaxweynaha ayaa magaalada Nairobi ku sugnaan doona muddo hal maalin ah, kaddib marka uu caleema-saarka Uhuru Kenyata dhammaadana ku soo laaban doona magaalada Muqdisho.

Nairobi.jpg

Add New Comment