Xildhibaan Mowliid Macaan oo saaka ku geeriyooday Magaalada Nairobi
Allaha u naxariistee Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa saaka waabarigii u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxii ismiidaaminta ee Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, kadib markii shalay loogu qaaday Isbitaal ku yaal Magaalada Nairobi.
Xildhibaan Mowliid Macaan ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta rug-cadaaga ee aadka uga soo muuqday 20-kii sano ee u dambeeyay siyaasada Soomaaliya, isagoo sidoo kale ahaa Aqoonyahan ku hadla dhowr luqadood.
Saaka abaarihii 5:30 ayuu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray Qaraxa, iyadoo tan iyo markii uu dhaawacmay arbacadii xaalad Koomo ah uu ku jiray, isla markaana uu qabay dhiig kar iyo sokorowga oo ay aad ugu kacday.
Wasiirkada Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Maryan Aweys ayaa xaqiijisay geerida xildhibaanka, iyadoo tibaaxday in saaka waabarigii uu dhintay, sida uu ku soo wargeliyay dhaqtarkii baxnaaninayay.
Mowliid Macaan ayaa ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo ahaa Xildhibaan cod-kar ah oo aan ganban.
Sidoo kale xalay waxaa ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan Feysal Xaaji Cilmi oo ahaa La taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee dhinaca isku xirka Bulshada, oo isna ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa ee loo qaaday shalay Nairobi
Add New Comment
|
|
|