Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta safar ugu kicitamay xarunta dalka Uganda ee Kampala


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socda ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Aadan Cadde Intenational Airport ee magaalada Muqdisho ayagoo kusii jeeda magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Madaxweyne Shariif ayaa dalka Uganda kula kulan kula yeelan doona dhiggiisa dalkaasi Yuweri Musevveni oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo xal u helidda arrimaha ammaanka ee dalka Soomaaliya oo ay Uganda ka joogaan ciidamo fara badan.

Safarka Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayadoo sidoo kalena uu jiro khilaaf kale oo u dhexeeya ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ka biyo diiddan shir uu ergaygu ku baaqay oo bishan 14-keeda lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Add New Comment