Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin
isku day kasto oo ay kooxaha argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan
shacabka ku nool guud ahaan dalka xilli dowlado reer galbeed ah ay ka digeen
qatarta argagaxisada ee Soomaaliya.
Taliyaha Hogaanka ka hortaga dembiyada ahna Afhayeenka ciidamada Booliiska
Gen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Ciidamada booliiska
ay heegan adag iyo feejignaan ugu jiraan khatar kasta oo argagixisadu ku
waxyeeleyneynayaan amaanka.
‘’Markii laga guuleystay oo Xamar iyo gobolo badan laga suuliyay ayaa waxey
bilaabeen argagixisadu Qaraxyo ismiidaamin ah taasna waan ka gaashaamanay’’ ayuu
yiri Gen Bariise.
Gen, Bariise ayaa intaa raaciyay in ciidamada Booliisku ay wax badan ka
qabteen amaanka magaalada Muqdisho isagoo xusay in ciidamadu ay xiliga habeenkii
ah roondooyin ka sameeyaan xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir iyagoo helaya
xogo kasta oo liddi ku ah amaanka.
Dhinaca kale General Bariise ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay
wadashaqeyn iyo isfaham la leeyihiin shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo
fahmay qiimaha nabadgelyadu u leedahay noolaha.
Hadalka Afhayeenka Booliiska Gen. Bariise ayaa kusoo beegmaya xilli wadamo ka
mid ah reer galbeedku ay ka digeen Qatar argagixiso oo laga filan karo
Soomaaliya.