Xildhibaan Mowliid Macaane Max’uud oo daaweyn loogu qaaday dalka Kenya
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Tiyaatarka kuwooda qaba dhaawacyada daran in loo qaadi doono dibadda si ay u helaan daryeel caafimaad.oo dhammaystiran.
Dhaawacyada ilaa hadda dalka kenyo loogu qaaday in lagu soo daweeyo waxay kala yihiin Xildhibaan Mowliid Macaan iyo Feysal Xaaji Cilmi oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Wasiirka Caafimaadka Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf ayaa caddeeyay ilaa hadda dhaawacyada dibadda loo qaaday inay yihiin labadaasi ruux, kuwaasoo loo arkay dhaawacyada ay qabaan in aan waxba looga qaban karin dalka gudahiisa.
Weerarka Ismiidaaminta ah oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen kooxda
Al-shabaab ayaa dood xoog leh ka dhax abuuray laamaha nabad-galyada iyo
mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG kuwaasoo ilaa hadda isku tuur
tuuraya cid ka mas’uulka ah in qofka is qarxin raba uu gudaha u galo
xarunta. Qaraxaasi ka dhacay
golaha murtida iyo madadaalada waxaa ku dhintay lix qof oo ay ku jireen guddomiyihii
olaymbikada Soomaaliyeed iyo guddomiyihii xiriirka kubadda cagta
Soomaaliya, kuwaasoo ka mid ahaa Madaxdii xafladda lagu casuumay.
Dowladda KMG ayaa ku dhawaaqday guddi si rasmi ah u baara sida ay ugu suurtagashay in qof sita waxyaabaha qarxa uu gudaha u soo galo Tiyaatarka. guddigasi waxa uu madax ah wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga Xusseen Carab Ciise kuwaasoo looga fadhiyo in ay jawaab ka keenaan sababta keentay in weerar Ismiidaamin ah uu ka dhaco goob ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta Qaran-ka qaarkood.
Add New Comment
|
|
|