2 nin oo ka tirsan ciidanka dowladda oo xalay laghu dilay deg. Dharkeenley ee magaalada Muqdisho



Kooxo hubeysan  ayaa xalay toogasho ku dilay 2 nin oo lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidanka dowladda, dilkan ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, ayadoona ay ciidamada dowladda KMG ay halkaasi kula jarmaadeen baaritaanno.

Sababta loo dilay labadan nin ayaan la ogeyn, ayadoo kuwii geystay dilkana ay goobtaasi ka baxsadeen kaddib markii ay dilkaasi geysteen.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa kusoo badanayey degmada Dharkeenley muddooyinkan dambe, waxaana sidoo kale mararka qaar ka dhaca halkaasi iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG.

Add New Comment