Ra’iisul-wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid” ayaa maanta dowladda Jabuuti ka guddoomay deeq mileteri oo isugu jirta gawaarida gaashaaman iyo gaadiidka ciidamada lagu qaado.
Ra’iisul-wasaare Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.
Munaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan, ayaa waxaa heshiis
ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin
Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar
Hufane.
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti
oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba” ayuu yiri Mudane Faqi.
Ra’iisal Wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu
ku faraxsan yahay taageeradan hub, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan
doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah ee adeegsiga hubka.
“Hubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo
geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa
dawladda Jabuuti,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray “Waxaan
halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas’uuliyadi ku
jirto”
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula
kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray
Dekeddaha dalka Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan,
waxayna warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti.