Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay Uhuru Kenyatta


Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday madaxweynaha cusub ee dhowaanta la doortay madaxtinimada dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta.

Danjire Cali Ameeriko ayaa dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyay Uhuru Kenyatta.

Isagoo la hadlayay warbaahinta kaddib kulanka, Cali Ameeriko wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay Uhuru Kenyatta uu ahaa mid uu ugu hambalyeynayay guusha uu gaaray, isagoo intaas raaciyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la shaqeynta dowladda cusub ee Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa tan iyo markii la shaaciyay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee dhowaan Kenya ka dhacday, waxaa booqanayay safiirro dhambaallo hambalyo ah ka siday madaxweynayaashooda.

Madax ka socota dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan xafladda dhaarinta Uhuru Kenyatta ee dhici doonta toddobaadka soo socda.

Uhuru.jpg


Add New Comment