Madaxda ugu sarreysa Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa kulan ayaga u gaar ah ka yeeshay khilaafka
hareeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayagoona ugu dambeyntiina ka soo saareen war murtiyeed ay u wada dhammaayeen.
War saxaafadeedkan oo si rasmi ah uga soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa lagu
sheegay in khilaafaadka hareeyey qaar ka mid ah xubnaha Barlamaanka Soomaaliya iyo guddoonka lagu dhammeyn doono sharciga.
Kulanka gaarka ah ee maanta ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.
Warsaxaafadeedkaasi ayaa u qornaa sidan:
War-Murtiyeed:
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheikh Aden Maxamed Nuur iyo Ras’iisul
Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad
ballaaran u soo jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee
Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga Madaxweynha Jabuuti ahna
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi
Suldaan oo gacan weyn nagu siiyey xallinta khilaafka baarlamaanka soo
dhex-galay.
Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in
dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba ay ku dadaalaan
hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada dhaartay.
Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada
khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin hay’adaha curdanka ah
ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka Soomaaliyeedba.
Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan shacabka Soomaaliyeed,
mudanayaasha Baarlamaanka, xubnaha golaha Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar
ahaan saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka Soomaaliyeed ay
midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku shaqeeyaan kana mira dhaliyaan
mabaadiiddii iyo himilooyinkii loo soo dhisay DFKM.
Madaxda sare ee Qaranku:
Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan sharciga iyo
maslaxadda Qaranka.
Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo fadhiyadiisa caadiga ah, si uu
u guto waajibaadka horyaalla.
- Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso baarlamaanka sidii uu
u gudan lahaa hawlihiisa.
- Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta wada shaqaynta
xukuumadda iyo baarlamaanka,sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in
loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto niyad-sami iyo masuuliyad.
Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan mudanaayasha
baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo gacanta ay ka geysanayaan
xallinta khilaafka, waxaanna ugu baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka si
marxaladdaan adag looga gudbo.
Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo
kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la gaaray.
Sheekh Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya
Sheekh Aden Maxamed Nuur
Guddoomiyaha
Baarlamaanka
Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke
Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya