Waxa habeenimadii xalay dalka Jarmanku ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Col. Xasan Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Col. Shaati Gaduud), kana mid ahaa siyaasiyiintii hoggaamin jirtay degaannada koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.
Marxuum Col. Shaati Gaduud ayaa waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanay dalka Jarmanka oo lagu daweynayey.
Geerida marxuumka ayaa waxa ka wada tacsiyeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in marxuumka loogu sameyn doono aas qaran magaalada Muqdisho.