General Cabdi Xasan Cawaale
(Qeybdiid) ayaa maanta si rasmi ah u sheegay inuu yahay murashax u taagan
qabashada xilka madaxtinimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State.
General Cabdi Qeybdiid waxa uu murashaxnimadiisa xilka madaxtinimada maamulkaasi ku dhawaaqay xilli uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah Maamulka Galmudug State, isla markaana ah xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Generalka ayaa waxa uu intaa ku daray in degaannada Galmudug ay u baahan yihiin isbedel, uuna asagu wax badan ka bedeli karo xaaladda dadka iyo degaanka reer Galmudug ku sugan yihiin, uuna gaarsiin karo horumar iyo nabad ku noolaasho.
General Qaybdiid ayaa horey usoo qabtay xilalka wasiirka macdanta iyo biyaha ee xukuumadda kmg iyo weliba xilka taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sidoo kalena horey uga mid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaal ee magaalada Muqdisaho ugu awoodda weynaa beri hore.
Murashaxnimada General Qaybdiid ayaa ku soo beegmeysa xilli loo diyaargaroobayo doorasho ka dhacda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug State oo uu hadda ka arrimiyo madaxweyne Maxamed Axmed Caalin, sidoo kalena ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay sii galeyso xilli kala guur ah oo loogaga gudbayo marxaladda ku meelgaarka.