Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana wafdiga madaxweynaha ka mid ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya.Socdaalka madaxweynaha ayaa waxa lagu sheegay in uu la xiriiro arrimo ku saabsan shirka Soomaaliya loogu qaban doono magaalada London bisha soo socota ee May 7-deeda iyo sii xoojinta xiriirka dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Madaxweyne Xasan ayaa gegida dayaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyeye madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland oo uu horkacayey madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo dadweyne aad u fara badnaa oo safnaa hareeraha wadooyinka.
Safarka madaxweynaha ayaa kii ugu horreeyey ee uu ku tago degaannada Puntland tan iyo markii loosoo doortay xilka madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya bishii Sebtember ee sanadkii tagay.