Guddoonka golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay mooshin ay dhowaan u gudbiyeen xildhibaannada qaarkood oo ku saabsanaa heshiiska ay dowladda dhexe ee federaalka ah ee Soomaaliya dhowaan la saxiixatay maamulka Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlammaanka Soomaaliya Mahad Axmed Cawed oo guddoominayay kulan maanta uu goluhu ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay xildhibaannada soo hordhigi karin baarlamaanka mooshin ku saabsan heshiiskaas.
Mahad Axmed Cawed ayaa diidmada mooshinka ku macneeyay in wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay khusayso golaha wasiirrada, ayna sharci-darro tahay in uu farageliyo baarlamaanka.
Dowladda Soomaliya iyo maamulka Somaliland ayaa dhowaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis ku saabsan sidii uu maamulka wax uga wadaagi lahaa deeqahja uu caalamku siiyo dowladda Soomaaliya, waxayna labada dhinac isku af-garteen in ay wada-hadallada sii wataan.