Madaxweynaha J.F.Soomaaliya oo saaka u ambaxay dalka Kenya


airtrav.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waaberigii saakay u ambabaxay Magaalada Mombasa halkaasi oo uu Madaxweynaha kula soo kulmi doono dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Mombasa ee dalka Kenya halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhigiisa dalka Kenya Uhura Kenyata.

Safarka madaxweynahaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dambeeyay kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kenya Uhuru Kenyata waxeyna wadahadalo ku yeelandoonaan magaalada Mombasa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradah Aadan Cadde waxaa ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole oo uu horkacayay Afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.


Add New Comment