Dr. Cabdiqaasim Salaad oo ku baaqay in la qabto shir dib-u-heshiisiineed


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya aysan intaan badan ku sii jiri karin dhibaato, kuna baaqay in gudaha dalka lagu qabto shir lagu dhexdhexaadinayo Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Dr. Cabdiqaasim ayaa sheegay in shirka dib-u-heshiisiineed  ay qabanqaabadiisu wadaan waxgarad Soomaaliyeed oo ay ummaddu ku kalsoonaan karto, si dalka Soomaaliya loogaga saaro dhibaatada ka jirta muddada 20-ka sano ka badan.

Dr Cabdiqaasim ayaa waxa uu intaas raaciyey in qof kasta oo Soomaaliya dembi ka galay sharciga la hor keeni doono, asagoo markaa ula jeeday hoggaamiyeyaashii dagaal ee lugta ku lahaa dagaalladii sokeeye ee uu dhiigga badani ku daatay iyo burburkii soo gaaray dalka Soomaaliya intii ka dambeysay burburkii dowladdii dhexe ee mileteriga.

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ahaa madaxweynihii lagu soo doortay shirkii ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti sanadkii 2000, ayadoo markii ay dowladdiisu timid gudaha dalka Soomaaliyana ay ka shaqeyn weysay muran siyaasadeed oo dowladda dhexdeeda ka dhacay iyo dagaallo ay ku soo qaadeen qaar ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaal ee magaalada Muqdisho ee berigaas jiray.

Add New Comment