Col. Barre Hiiraale iyo ciidamo la socda oo gaaray magaalada Kismaayo
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi haatan ku sugan yahay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada.
Col. Barre Hiiraale ayaa sida la sheegay magaalada ka soo galay dhanka xeebta, kaddib markii ay asaga iyo ciidamo la socda ay magaalada Muqdisho kaga soo safreen doonyo, arrintaas oo aad uga yaabisay dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo.
Col. Hiiraale iyo ciidamada la socda ayaa waxa si weyn magaalada ugu soo dhoweeyey ciidamada guutada koowaad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ayagu horey ugu sugnaa qaybo kala duwan oo magaalada ah.
Dadka u dhuun daloola arrimaha ka socda gobollada Jubbooyinka qaar ka mid ah ayaa socdaalka Col. Barre ku tilmaamay in uu yahay socdaal ujeeddada laga leeyahay ay tahay nabadeynta iyo dardar-gelinta howlaha dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubooyinka, halka qaar kalena ay qabaan in Col. Hiiraale uu magaalada u yimid in uu abuuro xasilooni darro siyaasadeed.
Add New Comment
|
|
|