Madaxweynaha oo kulan la qaatay wafdi ka socday Imaaraadka Carabta


Wafdi ka socda wadanka Imaaradaka Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Shiiq Maxamuud.

Wafdigan uu hoggaaminayay wasiiru dowlaha madaxtooyada Imaaraadka Carabta Dr Suldaan Jaabiri ayaa markii uu soo gaba gaboobay kulankooda waxaa saxaafadda la hadlay wasiiru dowlahha wasaaradda arrimaha dibada Maxamed Nuur Gacal waxa uuna sheegay in kulanka ay uga wada hadleen xaalahada labada dal.

wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in kulan dhaxmaray wafdiga ka socday Imaaraadka carabta iyo madaxweynaha ay uga wada hadleen xaaladaha labada dal waxa uuna intaasi ku daray in Madaxweynaha ay u gudbiyeen salaan ay uga wadaan madaxweynaha wadanka Imaaraadka carabta.

Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa intaasi ku daray in wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta ay kulama la qaadan doonaan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya kadibne ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.


Add New Comment