Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Britain Mr. William Hague ayaa
goordhow oo maanta ah booqasho ku yimid magaala-madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Mr. Hague iyo wafdiga la socda ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhoweeyey ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Soomaaliya marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale.
Wafdiga reer Britain ayaa durbadiiba kulan la qaatay ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo mas'uuliyiin kale, waxayna ka wada hadleen xiriirka saaxibtinimo ee labada dal iyo arrimo la xiriira shirka bisha soo socota ka dhici doona magaalada London ee lagaga hadli doono arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay qabanqaabadiisu leedahay dowladda Britain.
Sidoo kale waxa uu wasiirka arrimaha dibedda ee Britain la kulmay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen wixii ku soo kordhay xaaladda dalka Soomaaliya, iskaashiga labada dal iyo arrimo ku saabsan shirka London.
Booqashada wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Britain Mr. William Hague ayaa ah tii labaad ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho, asagoo safarkiisii koowaad kulamo laqaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayey.