Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
Saacid ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha tababarka ciidamada, iyo
goobo kale, sida, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga Tababarka ee
Jenenar Kaahiye (Ex. Iskola Bolisiya), Xerada Jazeera, taliska Ciidanka
nabadsugida Qaranka, taliska Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed, xarunta maamulka
gobolka Banaadir, iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha
Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashagga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji
Faqi, Wasiir kuxigeenada Warfaafinta, Cabdishakuur Cali iyo Mire, Ibraahim Yarow
Isaaq, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi
Indha-qarsho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisa ka bilaabay xarunta
Wasaaradda Gaashaandhgga, isaga oo halkaasi kula hadlay boqolaal ka tirsan
ciidanka xoogga dalka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Yugandha, isla
markaana la siinayay casharo dheeraad ah oo ku aadan wadaniyadda, difaaca
Qaranka iyo adaabta ciidanka.
“Booqashada aan saaka idiinkugu nimid waxay qeyb ka tahay dhiiragelinta
ciidanka Qaranka, waxaana idiin cadeynayaa inaad tihiin rajada dawladnimada iyo
dib u soo celinta qaranimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid oo
xusay in marxaladda adag ee maanta la marayo in ay laf dhabar u yihiin sidii
looga bixi lahaa.
“Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday xarunta maxkamadda, waxay qatar
weyn gelisay jiritaanka ummadda, waxaana idiinkaga fadhinaa inaad ka hortagtaan
falalkaas iyo kuwa la midka ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo
tilmaamay in falalka caddowgu aysan la leexin doonin dariiqa saxda ah iyo dib u
soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha wasiirada ah ee la socday ayaa
tegay xarunta tababarka ciidanka ee Jeneral Kaahiye, waxaana halkaasi ku sugnaa
ciidamada Birmadka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti.
“Runtii wey I farxad gelisay sida aad u diyaarsan tihiin, diyaarkana ugu
tihiin inaad naftiina u hurtaan difaaca iyo sugida amniga dalkiina, waxaana la
idiinkaga fadhiyaa inaad xasilisaan Muqdisho, kana sifeysaan argagixisada
shacabka leyneysa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay “Waa
inaad kooxahaas nabaddiidka ah aad ka dhigtaan kuwo malahoodak u hungooba.
Intaasi kadib, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kormeerkiisan ku tegay Xerada
tababarka ciidanka ee Jaziira, halkaasoo ay tababar ku qaadanayaan ciidamo
gaaraya kun Askari, waxaana tababarkan bixinaya saraakiil ka tirsan ciidanka
xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo muddo saddex bilood ah uga soconayo
tababarkan.
“Sababta aan idiin soo booqanay iyadoo weli tababarku idiin socdo, waxa weeye
sida aad muhiimad noogu leedihiin, aana idiinku hanweynahay, waxaana la idinka
doonayaa inaad noqotaan ciidan dhab ah oo shacabkiisa difaaca” ayuu yiri
Ra’iisal Wasaaraha oo kula dardaarmay in ay ka hortagaan caddowga shacabka
dhibaateynaya.
Ra’iisal Wasaare Cabdi Faara Shirdoon ayaa sidoo kale, kormeeray xarunta
gobolka Banaadir oo saldhig u ah hay’addo kala duwan ka tirsan dawladda, waxaana
halkaasi uu warbixin uga dhegeystay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa
Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isaga oo uga warbixiyay howlaha maamulkiisu
ku howlan yahay iyo bilic soo celinta magaalada.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta ciidanka Nabadsugida
Qaranka, isaga oo bogaadiyay howlaha ay u hayaan ummadda, wuxuuna kula
dardaarmay in amniga Qaranka uu ku xiranyahay sida ay u helaan xogaha caddowga
isla markaana looga hortago falalka ay shacabka ku gumaadayaan.
Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kormeerkiisa ku tegay xarunta
Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, halkaasoo uu kula kulmay
dhamaamba shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa Warbaahinta Qaranka, isaga oo uga
tacsiyadeeyey geerida alle u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ay
maalintii Axada ay koox dhagar qabayaal ahi ku toogteen gurigiisa oo ku yaala
degmada Dharkinley ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan maanta idiinku imid inaan idinla qeybsado tiiraanyada iyo tacsida
wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ahaa geesi naftiisa u huray Qarankiisa” ayuu
yiri Ra’iisal wasaaraha oo ku booriyay shaqaalaha warbaahinta Qaranku in aysan
ka niyad jabin dhagarta caddowga basle ay sii laban laabaan howlahooda Qaran, si
loo cirib tiro argagixisada.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in howsha warbaahinta Qaranku ay tahay howl
muhiimad gaar ah u leh shacabka iyo dawladnimada, isaga oo tilmaamay in
cadowgana ay uga darantahay Rasaasta Qoriga, maadaama ay daqiiqadiiba
gaarsiinayaan malaayiin qof dhagarta ay shacabka u geysanayaan argagixisada,
“Qoriga kaliya lagulama dagaalamayo argagixisada ee waxaa qeybta ugu muhiimsan
oo lagula dagaalamo ka mid ah warbaahinta, gaar ahaana mida Qaranka, oo
muujineysa guul darada caddowga” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.