Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ciidamada dalkiisa ee ku sugan qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya laga soo saari doono halkaasi.
Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya ay dhowr goor oo hore ballaan qaadeen in ay kala wareegi doonaan deegaannada ay ciidamada Ethiopia joogaan balse aysan weli AMISOM billaabin in ay la wareegaan deegaannada ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya.
Ra'iisul-wasaare Desalegn waxa uu sheegay in haatan waxa ugu weyn ee ay qabanayaan ay tahay in ay dardargaliyaan sidii ay ciidankooda ugala soo bixi lahaayeen deegaannada ay Soomaaliya ka joogaan, wuxuuna sheegay in ciidankooda ay joogi doonaan xadduudaha si ay u ilaaiyaan ammaanka dhulka dalka Itoobiya.
Wuxuu tilmamaay in ay gacan weyn ka geysteen sidii meesha looga saari lahaa maleeshiyaadka Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-qaacidda.
Qaar ka mid ah diblumaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Itoobiya ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay in Ethiopia ay ku dhawaaqdo in ay ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya ay tahay arrimo dhaqaale.
Ethiopia ayaa dhowaan ciidankeeda kala baxday magaalada Xuddur, waxaana saacado kaddib magaalada la wareegay maleeshiyaadka Shabaab oo dad shacabka ah oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeyneyeen ciidanka Ethiopia halkaasi ku dilay.
Saraakiisha ciidanka Midowga Africa iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walwal weyn horey uga muujiyey in Ethiopia ay ciidankeeda kala baxdo magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya, taasoo dib u soo celin karta halista maleeshiyaadka Al-Shabaab.