Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalay xuska maalinta ciidamada XDS



Xoogga.jpgWaxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo maalintii dhidibada loo aasakay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April.

Munaasabaddan oo ku asteysneyd 12 ka bishan April ayaa waxaa lagu qabtay xarunta gobolka Banadir, waxaana ka qeyb galeen Madaxweymaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirka difaaca dowlada Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise, Taliyaha ciidanka xoogga dalka mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, Abaanduulaha ciidanka XDS Janaraal C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan”, Fannaaniin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya .

DSC06574[1].jpgCiidamada XDS ayaa fagaaraha sugunto Liido socod gaaddo ka ciyaar ah ku soo bandhigay iyadoo ay ka muuqatay xirfad iyo aqoon sare oo Ciidannimo, taas oo ay u riyaaqeen madaxda dowladda iyo dadweynihii ka qeybgalay munaasabaddaasi, waxaana xusid mudan kooxda bambeyda oo halkaasi ka garaaceysay Musig iyo fannaaniinta Horseed ee ciidamada XDS oo qaadayay heeso aad u qiiro badan.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna Ciidamada XDS ugu Hambalyeeyay sanadguuradooda 52 aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay iyo horumarka ay ka sameeyeen howlgallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, isagoona u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, waxaa isla munaasabadaasi hadal dhiiro galin ah ka jeediyay Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uuna sheegay in dowladdu ay ahmiyad siineyso dhismaha iyo tayeeynta Ciidamada, isagoo ku dheeraadahay muhiimadda ay ciidamadu u leeyihiin difaaca dalka, waxa uuna ugu hambalyeeyay ciidamada XDS Sanadguuradooda ay maanta u dabaaldegayeen.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay wsiirka difaaca dowladda Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise waxa uuna u hambalyeeyay saraakiisha, Alifleyda iyo Dableyda ciidamada XDS, iyaga iyo xaasaskooda, waxa uuna ku Amaanay dadaalka ay muujiyeen muddada kooban oo ay inta badan dalka kaga xoreeyeen malleeshiyaadka Shabaab.

Taliayaha ciidamada XDS Gen. C/qaadir Sh.Cali “Diini” ayaa ka Warbixiyay dadaalka ay ciidamadu ugu jiraan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen cadowga ummadda ee Alqaacidda.

Munaasbaddan oo lagu maamusayay sanad guuradii 52 aad ee ka soo Wareegtay aas aaskii ciidamada XDS, ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd ee nooceeda ah oo la qabto 20 sano kadib, waxaana xusid mudan in xuska maalinta ciidamada lagu qaban jiray fagaaraha Sugunto Liida 42 sano ka hor.

Add New Comment