Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta magacaabay Garyaqaanka Guud ee dalka


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ku magacaabay Garyaqaanka Guud ee dalka, ayadoona ay munaasabaddaasi ka qayb galeen ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda.

Garyaqaanka Guud ee Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweyne Sheekh Shariif u magacaabay garyaqaan Xasan Cali Xeyle oo ah garyaqaan muddo dheer ku soo jiray howlaha garsoorka oo aqoon wanaagsanna u leh xilka loo magacaabay.

Isla munaasabadda ayaa waxaa lagu dhaariyey Garyaqaanka Guud iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo uu dhowaan soo magacaabay ra'iisul-wasaaraha xukuumadda kmg ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Madaxweynaha oo intaasi kaddib hadal gaaban halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu Garyaqaanka Guud iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee la dhaariyey kula dardaarmay inay xilalka loo magacaabay u gutaan si daacad ah oo Alle ka cabsi ku dhisan.

Add New Comment