Ururka Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay khilaafka u dhexeeya madaxda Dowladda KMG Soomaaliya


Ururka Midowga Afrika ayaa walaac xoogan ka muujisay khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in khilaafkan uu sabab u noqon karo guulo ay sheegeen inay ciidamada DKMG ah iyo AMISOM ay ka gaareen dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

Kulan uu golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika shalay ku yeeshay Addis Ababa ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana bayaankii kasoo baxay lagu sheegay in khilaafka madaxda DKMG ah uu khatar ku yahay howlaha dowladda.

"Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 60% magaalada Muqdisho, sidoo kalena dadka ku harsan caasimadda ay 80% ku nool yihiin goobaha ay ka taliyaan," ayuu yiri guddoomiyaha golahan oo ah danjiraha Rwanda ee Midowga Afrika Joseph Nsengimana.

Danjire Nsengimana ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay xiligan ka hor ku koobnay dhowr KM oo ku hareereysan madaxtooyada, balse ay haatan ku sugan tahay degmooyin kale oo Muqdisho ku yaalla.

"Guusha laga gaaray howlgalka milateri ee Soomaaliy waxay khatar ugu jiraan khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda kuwaasoo salka ku haya muddo kororsiga uu sameeyay baarlamaanka," ayuu yiri danjire Nsengimana oo nasiibdarro ku tilmaamay muddo kororsiga saddexda sano ah ee uu sameystay baarlamaanka.

"Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya waxay qaateen go'aan muddada ku kororsadeen iyagoo aan cidna kala tashan, taasna waa nasiib-darrada jirta," ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadda ee ururka Midowga Afrika.

Danjire Nsengimana wuxuu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay gebi ahaan tahay mid aan wanaagsanayn, isagoo sheegay in dhinaca siyaasadda ay jirto wada shaqeyn la'aan u dhexeyso hay'adaha dowladda sida xukuumadda iyo baarlamaanka.

Ugu dambeyn, bayaanka kasoo baxay shirkii golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa lagu cambaareeyay sida ay Qarammada Midoobay ugu guuleysatay inay fuliso cosighii golahooda oo ahaa inay xanibaad kusoo rogto garoomada iyo dekedaha ku yaalla gobolada ay Xarrakatul Shabaab ka taliso, si loo horistaago baa lagu yiri dagaalyahanada shisheeyaha ah ee galaya Soomaaliya iyo hubka ay helayso Xarrakatul Shabaab.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu soo qaaday xaaladda bani'aadamnimo ee ka taagan dalka Soomaaliya, iyadoo goluhu uu sheegay in Xarrakatul Shabaab ay horistaagtay in dadka rayidka ah la gaarsiiyo gargaarka bani'aadamnimo ee ay u baahan yihiin. Iyadoo warbixinta lagu sheegay in 50,000-qof ay ku barakceen tan iyo bishii Decmber ee sanandkii hore abaaraha ka taagan Soomaaliya.


Add New Comment