"Waxaana ka buuxa khayraad
...dhibka na haystaana waxay tahay annaguna ma ogin, oo kama war hayno,
dadnimadeenii aan ku difaacan lahayna xataa afka ha ahaatee waxaad moodaa in ay
nagu yartahay," Warbaahinta Soomaaliyeedna waa "in ay dadka gaarsiiyaan dhibka
taagan, iyo sida baddeena qamaamka loogu yahay." Taliyaha Ciidanka Badda
Soomaaliyeed,
Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare).
Waxaa waraysiga qaaday weriye C/risaaq Jaamac, waxaana duubayey Muuse
Maxamuud Jiisow (Email: [email protected] ) ee
SomaliChannel TV . Waxaa codka qoraal ahaan u rogay SomaliTalk.com
- Faafin: SomaliTalk.com | September 27, 2011
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed,
Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare) oo Waraysi si qoto dheer uga hadlay
Badda Soomaaliya waxa uu
siiyey Telefihanka Somali Channel.
Waraysiga Q.1aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 1aad
Waraysiga Q.2aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 2aad
Faarax Qare ugu waxa uu ugu horayn xusay sida loo doonayo in
la boobo baddeena iyo sida duullaanka loogu yahay. Waxana uu ku xeel dheeraaday
sidii Soomaaliya ay u dhaqan gelisey sharciga Law No 37 iyo sida ay Soomaaliya
ku saxiixday sharciga badaha 1982 ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37,
Soomaaliyana waxay soo saartay qaanuun la is waafajinayo 1972 iyo sharciga
badaha, ayuu yiri.
Prof. Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya
ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee
bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo
sidii musuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga jawaabey, ugana dalbaday raali gelin
in laga bixiyo waraaqaha ay ku xuseen in xadka badda Soomaaliya tahay 12
nautical miles, isagoo sharaxa arrintaas waxa uu yiri "Saddex saac oo subaxnimo
ama 9-ka subaxnimo ayaa la qaybiyey waraaqahaas, annaguna 10-ka (subaxnimo)
ayaan qaybinay warqadaheenii. Waxaana
raaligentii (apologize) laga bixiyey habeenkii markay ahayd 10-ka (fiidnimo),
wixiina laga bixiyey, waxaana markaas la yiri Soomaaliya xuquuqdeeda (baddu) waa
sidii aad u dhigateen ee raalli naga ahaada."
Hadalka Faarax Qare waxa uu caddayn u yahay in dalalka ku jira ururkaas loo
bixiyey Eastern Africa Standby Force in ay aqbaleen warqaddii Admiral
Faarax Qare oo uu ku qeexay in xad badeedka Soomaaliya uu yahay 200 nautical
miles, laga soo bilaabo 1972.
Admiral Faarax Qare waxa uu intaas raaciyey in "arrintaas lagu soo
guulaystey" LAAKIIN, ayuu yiri "Anigu qof ahaan iyo waftigii ila socdeyba waxaan
u aragnay in ay arrin suurtagal ah tahay haddii aan ka xirnay irridka in
dariishadda laga soo geli karo."
Waxana uu markaas xusay in markii uu ku soo laabtay Muqdisho uu arrinta badda
kala hadlay Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee DFKMG, isagoo taas ka
hadllayeyna waxa uu yiri "Wasiirka Gaashaandhigga oo ah kusimaha (ra'iisul
wasaaraha) ayaan la kulmay una sheegnay arrinta. Madaxweynaha ayaan shalay (Sept
22) la kulmay una sheegnay arrinta. Runtii madaxdu arrintaas waa garteen,
dadaalkeenina waa qiimeeyeen, madaxweynahana waxa uu yiri sidii aan ku talinay
oo ahaa in aan isugu yeerno khubaro ku saabsan badda, cilmiga badaha, cilmiga
qaanuunka, cilmiga kalluunka, in la isku daro, oo markaas khubaradaasi waxay ka
yiraahdaan ay Soomaaliya ku dhaqanto siyaasaddeedu, oo mid kasta oo siyaasi ah
uusan wuxuu rabo iska sheegin, ee wax la isla ogyahay oo dawladuna ay go'aan ku
qaadato in la soo sameeyo, arrintaasna madaxweynuhu waa naga ballan qaaday".
Badda Soomaaliya oo Qamaam Lagu Yahay
Taliyaha Ciidanka Badda
Soomaaliyeed waxa uu si qayaxan u sheegay "arrintani waa mid dhexdeena taal, ma
aha mid nin iyo labo ay wax ka qaban karaan, shacabka Soomaaliyeed waa in uu isu
taago." Waxana uu si gaar ah u guubaabiyey dadka cilmiga leh, iyo weriyaasha "in
ay isu taagaan oo difaacaan badda Soomaaliya ee duullaanka lagu yahay,
khayraadna uu ka buuxo, haddii aanaan garwaaqsan oo ogaan dhibka na haysta ma
difaaci karno."
Admiral Faarax Qare waxa uu aad ugu adkeeyey weriyaasha iyo warbaahinta
iclaamka "in ay dadka gaarsiiyaan dhibka taagan, iyo sida baddeena qamaamka
loogu yahay." Waxa uu sidoo kale u baaqan in "Culimada iyo waxgaradku meel kasta
oo ay joogaanba in ay taladooda ku darsadaan, oo ay ka bixiyaan talo cilmiyeed,
dawladuna ay taladaas go'aan ku qaadato, oo arrintu yeysan noqon arrin iska soo
bood ah oo qof kasta wuxuu rabo iska sheegayo."
Markii la weydiiyey Roadmap-kii ka soo baxay shirkii Muqdisho ee lagu xusay
badda iyo heshiiskii Is-afgarad (MOU) ee xukuumaddii hore lagashay Kenya, iyo
sababta keeneysa badda Soomaaliya oo ah 200 nautical miles oo ay xaqa u lahayd
waxa dib ugu celinaya 12nm oo doodeeda soo celcelinaya maxay kula noqon kartaa?
Taas waxa uu kaga jawaabey "Maxay kula noqon kartaa arrintu maba joogto, ee
waaba arrin la wado. Badda inta aan inagu xisaabsaneyno ayadoo awalba uu kalluun
farabadi ka buuxey, ayaa haddana waxaa la leeyahay shidaal badan ayaa ku jira.
Intii wax baaratay oo awood cilmiyeed iyo farsamo dheeraad ah lahayd ayaana
arrintaas soo sheegtay. Raggaasi waxay la kaashadeen dawlada mandiqadda ku jira,
oo ay yiraahdeen arrintaas idinkuna hirgeliya, danaha ku jirana gacan-wadaag.
Sidaas weeye marka fikradda cilmiyeed ee lagu ogaadey baddeena in khayrad ku
jiro. Fikradda waxaa iska leh dawladaha horumaray, ayaguna waxay ul ay ku
tukubaan ka dhigteen dawladaha deriska ah si arrintaas loo hirgeliyo."
Isagoo hadalkaas sii faahfaahinayey waxa uu yiri "Annaga arrintaas (markii uu
joogey shirkii Seycelles) waxaa nalaku yiri lix (6) doonyo ah ayaa la idiin
keenayaa oo dekedda ilaalisa. Markaan arkay in arrintu tahay oohintu orgiga ka
weyn, ayaan waxaan ku iri 'aniga ayaaba intaas iyo ka badanba haysta, maba
idiinkaga baahni ciidan badeed, aniga ayaa ilaalin kara, haddaad ciidan
keeneysaan dhulka ayaan u rabaa ee dhulka geeya, Shabaab dhulka ayuu jiraa ee
badda ma joogo. "
Waxa uu si qodo dheer ugu nuuxnuxsaday in badda Soomaaliya uu ku jiro
khayraad farabadan, taas oo "ogaan la'aanteena aan qabno iyo tabardeena markii
la arkay ayaa la yiri halaga faa'iideysto."
Heshiiskii Is-Afgaradka Looma Baahnayn
Faarax Qare oo si xooggan uga hadlayey heshiiska Is-afgadka ee (2009)
dhexmary Kenya iyo DFKMG, waxana uu yiri "Heshiiskii lala galay maba loo
baahnayn gebi ahaantiisba, sababtoo ah qaanuunka dawliga ee badaha waxa uu
dhigayaa in haddii laba dawladood ay deris ka yihiin badda, (xeebta) badduna ay
tahay xarriiq toosan, waxaa markaas xuduud u ah xarriiqin taagan oo labada
dhinacba ka ah 90-derejo. Annaga iyo Kenya 'conflict' (muran) halkaas nagama
dhaxayn, qaanuun wax u baahan maba jirinba, arrin iska cad ayey ahayd."
Asagoo ka hadlaayey sababta lagu galay heshiiskaas Kenya waxa uu yiri
"Sababta lagu galay waxay ahayd aqoondarro ama niyad xumo ayaa Soomaalida geysey
ee maba loo baahnayn heshiiskaas, ilaa haddana looma baahna."
Waxaa la doonayaa in Badda Soomaaliya la Qaato 96.5%
Boobka badda Soomaaliya in aan weli laga harin asagoo cadaynayey Admiral
Faarax waxa uu yiri "Arrinta aan hadda soo aragnay ee dherigeedii burinayey ee
aan biyaha ku shubnayna waxay daba socotaa tii hore."
Isagoo ka hadlayey in arrinta hadda taagan ay ka khatarsan tahay tii hore
waxa uu yiri "Tii hore xoogaa yar ayaaba (xarriiqda) la inagu soo leexiyey, oo
49-kun Km oo laba jibaaray ayey ahayd qiyaastii, (hadda) arrintu waxay
tahay in baddii Soomaaliyeed boqolkiiba 96.5% la inaga qaato, oo la inoo
reebo boqolkiiba 3.5% keliya. Halkaas ayey arrintu maraysaa," ayuu
hadalka ku adkeeyey.
"Sidaas awgeed arrintu waxay tahay badaheena waxaa ka buuxa khayraad
farabadan, dhibka na haystaana waxay tahay annaguna ma ogin, oo kama war hayno,
dadnimadeenii aan ku difaacan lahayna xataa afka ha ahaatee waxaad moodaa in ay
nagu yartahay," ayuu yiri
Admiral Faarax Qar oo shacabka Soomaaliyeed si xeel dheer u guubaabinayey.
Asaga oo ka jawaabayey su'aal ahayd Soomaaliya cabirka
baddeeda ee ah 200 nautical miles ma ka diiwaan gashan yahay Qarammada Midoobey,
waxa uu kaga jawaabey "Anigu inta aan ogahay Qaanuunkii soo baxay 1972-dii
waa ka diiwaan gashan yahay." Waxana uu sheegay in markii la saxiixayey
qaanuunka badaha in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii sheegtay, loona
ogolaaday badda cabirkeedu yahay 200 nautical miles.
Faarax Qare waxa uu sheegay in Soomaaliya ay qaanuunka
caalamiga ah ogolaatay 1989-kii. Waxaana jirey ayuu yiri "Sharci ayaa soo baxay
waqtigaas (1988), kaas oo la is waafajiyey kii 1972-dii iyo kii caalamiga aha
ayaa dawladdii Soomaaliya soo saartay. Kaas oo aan koobi ka hayo." Waxana uu
qeexay in sharcigaas aan la loodin karin. Qarammada Midoobey waxa keliya oo ku
filan in la yiraado sharciyadan ayaan soo saarnay. Shurucdaas oo dhan in loo
sheego. Laakiin , ayuu yiri "Xaq nooguma leh in ay yiraahdaan hadda ayaa
baarlamaankiinu sharciyaynayaa."
Isagoo ka digayey in la aqbalo qorshaha cusub ee ah in la
yiraahdo hadda ayaan sharci cusub samayanaynaa, waxa uu yiri "Haddii aan dhahno
badda hadda ayaa la sharciyanayaa, macnaheedu waxa uu noqonayaa hore in aanaan
waxba u lahayn."
Weriyaha ka socdey TV-gu markii uu weydiiyey su'aal ahayd:
kaddib markii si dahsoon looga faa'iideysey badda Soomaaliya, in wadamada East
Afrika ay hadda ku heshiiyeen in ay si caam ah uga faa'iidaystaan khayraadka
Badda Soomaaliya, si aan Dawladda Soomaaliya dacwad u gelina waxay doonayaan in
ay xalaalaystaan labada boqol (200) ee nautical miles ee badda Soomaaliya,
si aan dacwad loogu qabsan qashinkii lagu shubay badda, kalluumaysigii sharci
darrada, goobaha shidaalka laga helay in ay baddooda ku darsadaan.... Halkaas
markii uu marinayey weriyuhu ayaa Admiral Faarax waxa uu yiri "Su'aashu waxay
tahay maxaa taas looga badbaadi karaa."
Admiral Faarax Qare isagoo taas ka jawaabayana waxa uu
raaciyey "Warku waa cad yahay. Marka ugu horaysa annagu aan iska hagaajino
dhinaca sharciga, oo dood sharciyeed oo caalamku aqbali karo waa in aan ka
galnaa meesha, waana haysanaa asaaskeedii (base), wax dhibaato ah oo weyn oo
taas ka taagana ma jiraan, waana in aan dhisnaa ciidanka badda Soomaaliya.
Maalintii ciidanka badda Soomaaliya uu jirey, hal dawladood oo na tiraahda
biyaha baddiinu immisa ay dhantahay ma jirin, waa ogaayeen inta aan
leenahay, waana ka wareegi jireen, noomana iman jirin. Mana jirin burcad badeed,
baddana wasakh laguma shubi jirin, kalluun nalakama qaadan jirin."
Isagoo arrintaas badda Soomaaliyeed sida loo ilaalin jirey ka
hadlayeyna waxa uu yiri "Waxaan bixin jirey warqado lagu kalluumaysto, waxaana
bixin jirtey wasaaradii Kalluunka, ciidanka badduna waxa uu bixin jirey laba nin
oo Markabka dul saaran oo kantaroosha meeshii loo qoondeeyey haddii ay Baraawe
dushiisa tahay inuusan meeshaas dhaafi karin, nooca kalluunka la jillaabayo
nooca ay yihiin, dad ilaaliya ayaa jirey, dawladnimo ayaa jirtey, dawladuna
waxay ku tiirsanayd ciidanka badda. Marka ciidankii badda in la dhiso ma aha
arrin dhib badan, waana lagama maarmaan."
Waxa uu xusay in dalka Seychelles ay baddiisa u ilaaliso
dalka Hindiya, taas oo heshiis kula jirta inay saami qaadato, laakiin ay u
ilaaliso baddooda oo ay isla ogyihiin. Haddaba taladaas oo kale ayaan qabaa in
muddo kooban inta aan ciidanka dhisanaysno, hal ilaa laba sano in aan "Ushaada
nin aad ka qaadan karo ayaa loo dhiibtaaye, in aan dawlad aan ku kalsoonahay
inta aan ciidanka badda dhisanayno, aan masuul uga dhigno in ay noo ilaaliso
badda. Waxna u ogolaano ilaa hadda baddeena waa la dhacaa cid wax inaga siisaana
ma jirto'e, mudada kooban marka ay dhammaatona aan niraahno waad mahadsan
tahay." "Laakiin waa ku celinayaa halkaas, Waa inay noqoto ushaada nin aad ka
qaadan karto ayaa loo dhiibtaa," ayuu yiri.
Markii la weydiiyey inkasta oo aad si caalami ah u difaacdey
baddii 200 nautical miles, hadana ay ciidamo shisheeye badda joogaan, sow lama
oran karo weli halistii waa jirtaa, waxa uu ku jawaabey waa jirtaa, oo waa tii
aan idiin hormariyey "Haddii albaabka la xiray, waxaa laga soo geli karaa
dariishadaha. Dariishadihii weli waa furfuran yihiin."
"Nimankaasi ma aha kuwo la dagaalamaya burcad badeedda"
Waxana uu markaas ka hadlay maraakiibta shisheeye ee ka
socota Yurub, Naato, Ameeriko iyo dawlado kaleba, waxa uu yiri "Waxay noo
sheegaan inay burcad-badeedda ka ilaaliyaan badda, halka burcad-badeedu ay
sanadba kan ka dambeeya ka sii badanayso. Arrintaas anigu shirar aan la galay
ayaga, laba jeer taliyaashooda ayaa igu casumey Jabuuti, waan u tegey oo waxaan
ku iri 'horta maxaad qabataan, burcad badeedkii waaba sii bateen ee maxaad
qabataan'. Waxay ku jawaabeen waa in la bartaa shaqadayada oo ah in
maraakiibta kaalmada u wada Soomaaliya aan nabad ku keeno iyo maraakiibta AMISOM
u wada qalabka iyo mucaawanada, iyo maraakiibta anagu aan leenahay in aan la
socono iyo haddii LACALLA, waa lacalla, aan burcad badeed aragno inaan
difaacno."
Waxana uu markaas Faarax Qare yiri "Waxay (ciidamada
shisheeye ee jooga badda Soomaaliya) burcad badeeda la dagaalamaan markay is
arkaan oo isku dhacaan oo keliya, sidaas daraadeed nimankaasi ma keeni karaan
guul. Waana u sheegnay arrintaas. Guul waxaa ka keeni kara annaga ciidankeena
haddii la dhiso, waayo dhulka annagaa xukunna, dhulkayna dadku ka tagaan."
Waxa kale oo Faarax Qare sheegay in Seychelles ay ku xiran
yihiin 63 nin oo burcad badeednimo loo soo qabtay. Waxana uu sheegay in
tirakoobka inta uu ogyahay (September 2011) in burcad badeeda dadka loo xiray ee
Soomaalida ah ee ku xiran daafaha dunida inay gaarayaan 1006 qof, intaas saddex
laabkeed ama afar laabkeedna badda ayey ku jirtaa.
Waxana uu xusay in sida lagula dagaalami karo burcad badeeda
in ay kamid tahay in marka hore dawladdu wada gaarto dalka, in la dhiso
ciidamada Badda iyo in mashaariic lagu jiheeyo loo helo burcad badeeda.. "Ninka
aad badda ka celisid, mooryaan ayuu dhulka ka noqonayaa." Waa in marka loo helo
mashaariic lagu jiheeyo oo noloshooada kafaala qaada.
"Soomaaliyey Isku Tasho"
Markii la weydiiyey su'aal ahayd in maraakiibta shisheeye iyo
dalal kale oo doonaya inay si sharci darro ah ku qaataan badda Soomaaliya ama
kaga kalluumaystaan inay hor taagan yihiin in ay dhismaan ciidamada badda
Soomaaliya waxa uu kaga jawaabey "inta aanan su'aashaas ka jawaabin waxaan
doonayaa in aan sooqaato oraah uu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf kadddib anigoo
Itaaliya ka soo noqonaya ayaan Sanca ugu tegey, markaan warbadan sheekaysanay
ayaan ku iri maxaad Soomaaliya kula talinaysaa, wuxuu ku jawaabey waxaan dhehi
lahaa "Soomaaliyeed isku tasho, cid kuu maqani ma jirto." Warkaas waxaan ka soo
guuriyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf, aniguna waa la qabaa fikraddaas, ayuu yiri
Faarax Qare.
Waxana uu markaas yiri "Anigu ma arkin cid u diyaar ah in ay
dhisaan ciidan bad iyo mid dhul toona. Indhahayga ma saarin, haddana inay soo
socoto u malayn maayo." Marka waa inaan inagu isku tashano oo wixii aan
dhisankaro ku dhisano tabateena dhaqaale iyo tan saaxibadeenna aan hubno.
Marxaladii Sharciga ayaa la joogaa
Waxaa markaas laweydiiye su'aal ahayd, sida aad sheegtay
Soomaaliya waxay xaq u leedahay 200 nautical miles oo bad ah, marka maanta
shacabka Soomaaliyeed ma u sheegi kartaa in labadii boqol (200) ee nautical
miles ay gacanta inoogu jirto, mase sidii aad hore u sheegtay waxaan dhehi
karnaa khariidaddii (map) la soo gudbiyey ee 3.5% aan haysano oo ay naga
maqantahay 96.5%?
Arrintaas asagoo ka jawaabayey Admiral Faarax waxa uu yiri
"Marka hore waa in shacabka Soomaaliyeed loo sheego in dawladaha adduunku markay
doonayaan in ay wax sameeyaan, waxay ku dabakhaana sharci, xitaa haddii ay
rabaan Interpretazione (fasiraad) khalad ah ha u sameeyaane. Maanta waxaan
joognaa marxaladii aan sharciga ku difaaci lahayn, marxaladaas waa inaan noqono
kuwo ku baraarugsan, oo iska ilaalino, oo sharciga aan wax ku leenahay
ilaashanno, kuna dagaallano in aan magac sharci wax nalookaga qaadin, isla
markaasna aan ku tashano 'nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa' ayaa la yiri
in sharcigaba laga tallaabsado muddaas ciidamu dhismayaan."
Admiran Faarax Qare oo guubaabiney Soomaalida waxa uu yiri
"Hadda marxaladii shaciga ayaa la joogaa. Waxaa la joogaa marxaladii
adduunka laga dhaadhicin lahaa in nalaka gardaaran jahay, gaar ahaan dadkiina
dibada jooga oo aqoon yahanka ah waa inay olole qaadaan ay u sheegaayaan
qawaaniinta aan leenahay iyo qawaaniinteenu waxa ay dhigeyso iyo inta noo soo
socota in ay nagaga daran tahay, waa in adduunka wax loo sheego. Shirarka in
laga qayb galo weeye, dawladuna waa inay difaacdo xuquuqda."
Digniin adag isagoo u diraya Soomaalida in aysan arrintan dhayalsan, waxa uu
yiri "(Waxaa jirta) arrin haddii sidaas lagu daayo keeni karta halis, waa hadda
mid holoceedu baxayo oo hadba markii la afuufo marba holacu gaabanayo oo
damaayo, laakiin dabkii ma damsana. Marka dabkaas in la damiyo waxaa loo baahan
yahay Soomaali meel kasta oo ay joogto in ay kacdo, in ay olole gasho,
intay waqtiga iskaga dhumin lahaayeen wax aan loo joogin oo waxba tarayn, oo
dhulkay rabeen in ay wax ka taraana ayaaba khatar ku jira."
Isagoo hadalkiisii sii watey Faarax Qare waxa uu yiri "Marka arrintaas waxaan
leeyahay Soomaali meel kasta oo ay joogto dadaal ha u gasho, dawladdu dadaal ha
u gasho. Waxana aan rabaa inaan markale ammaan u jeedsho aqoonyahanka
Soomaaliyeed rag badan oo kujira oo SomaliTalk ugu horayso, in ay wax weyn ka
qabteen arrintaas oo ay dadka bareen dhibka ku soo socda iyo waxa aan xuquuq u
leenahay."
Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare), Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed,
oo gabagabadii soo jeedinayey guubaabo ku aadan iclaamka/warbaahinta
Soomaaliyeed si loo difaaco badda Soomaaliya ayaa yiri "Waxaa loo baahan yahay
waqtigan in iclaamka la arko (video) iyo midka la maqlo inarrintaas xoog u
saaraan."
Waxana uu u mahadceliyey Telefshanka
SomaliChannel TV oo waraysiga duubay, waxana uu yiri "Waxaad wakiil nooga
tihiin warkaan inaad gaarsiisaan meel kasta oo Soomaali joogto. Arrintan
siyaasad kuma jirto, Arrintu waxay joogtaa nafta, marka waa in meelkasta, land,
land ma joogtee, kulli land ayaa la wada haystaaye, kulli bad ayaa la wada
haystaa, ee waa in aad arrintaas gaarsiisaan, idinkoo weliba sii qurxiyey."
Waxaa waraysiga qaaday C/risaaq Jaamac, waxaana kaamarada ku duubayey Muuse
Maxamuud Jiisow (Email: [email protected] ) ee
SomaliChannel TV . Waxaa codka qoraal ahaan u rogay SomaliTalk.com.
Waraysiga Q.1aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 1aad
Waraysiga Q.2aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 2aad
Faafin: SomaliTalk.com | September 27, 2011
Waraysi Kale ee Admiral Faarax Qare "Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda
ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37"