Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka wadamada Afrika


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ku aadman dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka Shirka Tana Forum.

Madaxweynaha waxaa kala qeyb galayo shirkan R/wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Shiiq C/Qaadir.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa yiri “Afrika waa in ay kalsooni muujiso una istaagto ka hor-tagida danbiyadda qorsheysan, Danbi waa danbi cid walbo oo geysato waa isla mid Qiil ma leh, waana in lagula dagaalamo qaab militari iyo qaab siyasadeed.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “ Waxaan aaminsanahay in dhamanteen amnigeena guud uu ku jiro deris nabad iyo amni wanaagsan leh Anaga deris-keena wuxuu isku haleyn karaa Soomaaliya oo nabad iyo amni ah.”

“Waxaan ognahay in Burcad badeeda ay dhaqaalaha aduunka wax u dhintay, Beesha Caalamkana waxey wadaan ka hortagidda Burcad Badeedda Laakin waxaa muhiim ah in la ogaado in arinkaas uu suurta gal noqon karin haddii aan la helin Soomaaliya oo nabad ah” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay madaxda Afrika in Afrika ay masuuliyad iska saarto amnigeeda. Dowladda Soomaaliyana ay dadaal ugu jirto in amnigeeda gudaha sugto taasna ay dowladda u tahay muhiimaddeeda Kowaad.

TANA.jpg


Add New Comment