Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa la
gudoonsiiyay Abaalmarin caalami ah isaga oo sheegay in uu sii wadi doono
howlihiisa suugaaneed ee Soomaalidu uu ku baraarujiyo.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hatraawi oo Abaalmarintan lagu gudoonsiiyay
munaasabad lagu qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ah Abaalmarin ay sanadkiiba
mar bixiso boqorada dalka Holand.
Abaalmarintan ayaa ah mid lagu maamuuso shaqsiyaadka sumcada ku helay
Wacyigelinta iyo baraarujinta bulshada sida Maxamed Ibraahim Warsame Hatraawi
oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo suugaantiisa ku cabira wanaaga iyo samaha.
Danjiraha Dalka Holand u fadhiya magaalada Nairobi Jos Rinjs oo ka hadlay
Munaasabadaasi ayaa sheegay in Abwaan Hatraawi uu qabtay shaqo aad u weyn,
sidaasi darteedna munaasabadan loogu dabaaldegayo Abaalmarinta Boqorada Holand
ugu talagashay Abwaan Hatraawi.
‘’Waxaa ii sharaf ah in dowlada Holand gaar ahaan Prins Clows abaalmarin ay
iigu deeqday aniga iyo umada aan ka dhashay an halkan ku gudoomo, Abaalmarintani
waa dhiirigelin I fareysa inaan dadaalkeeyga sii kordhiyo, arintuna waxey salka
ku heysaa in qofku macna yeesho’’ Sidaasi waxaa yiri Abwaan Maxamed Ibraahin
Warsame Hatraawi.
Abaalmarintan ay bixiso boqorada Holand ayaa hore loo gudoonsiiyay shaqsiyaad
kaladuwan oo caalamka ah kuwaas oo muujiyay dadaalo wax ku ool ah oo ay ku
muteysteen abaalmarintan.